Akoontyada kaydka

Inaad lacagyaada ku keydsato koontada keydka waxaad uga badbaadeysaa isbeddelada sicirka suuqa oo xilligaad doontana lacagtaada waa kuu diyaar. E-sparkonto waxaa laga furi karaa laguna maamuli karaa Bangiga internetka ama Aalad (App). Fasträntekonto iyo Sparkapitalkonto ayaa ah tusaalayaal kale oo akoonno ah oo aad wada-furan karto adigoo isticmaalaya la-taliye.

Sanduuq

Sanduuqa maalgelinta waa lacago damaanad iyo/ama saamiyad aad wada leedihiin dhammaan dadka kale ee keydkooda ku darsada sanduuqaas maalgelineed. Sanduuqa maalgelinta waxaa maareeya maamulayaal loo qoondeeyay oo ka shaqeeya in maalgashigaagu uu kobco. Sanduuqa maalgelineed ee ay ku jiraan saamiyo ayaa loo arkaa inuu leeyahay halis aad u sareeysa laakiin waxaa ay sidoo kale fursad kuu siineysaa inaad hesho faa’iido weyn. Miisaaniyadda waxaa lagu keydin karaa gudaha koontada ISK (koontada keydka maalgashiga), taasoo u oggolaaneysa hab fudud oo canshuuro yer looga gooyo.