Waa muhiim in aad raali ka tahay qarashka guriyahaga. Daynsiga gurigaa waa heshiis waqti dheer qaadanaaya waana muhiim in aad ku xisaabtantid herka kordhka dulsaarka iyo waliba qarashka dayac tirka. Taas ayaana ah sababta in aad adiga laftaadu sameysid xisaabta qarashka guriyaha oo faahfaahsan.

Waxyaabaha logu baahanyahay Daynsiga gurigaa

Marki aad codsatid Daynsiga guriga, waxaan qimeynaynaa awoodaada dib-ubixinta anaga oo fiirinayna maclumaadka ku qoran codsigaaga. Waxaa kale oo aan samaynaa hubinta amaahda UC (hay'ad uxil saaran ganacsiga iyo macluumaadka amaahda) si aan u aragno inaad leedahay diiwaan lacag bixin xumo ah. Ugu dambayn, waxaan sameynaynaa qimayn si aan ugu aqbalno rahmaad ahaan. waxaad codsan kartaa illaa iyo boqolkiiba 85 qiimaha uu suuqa ka joogo qalabkaas.

Adegeena Daynsiga guryaha

way wanaagsantahay inaad haysatid warqad heshiis daynisga guriga oo diyaar ah marki aad raadinaysid hanti dhisme ah. Waa bilaash, si fudud ayaa codsigaada loo habaynayaa kadibna waxaa aad si fudud kucodsani kartaa amaah guri. waxaad daynsiga guriga kuheli kartaa guri, dabaq heer sare ah ama guri fasaxeed.

Hadii aad doonayso inaad dayactirto, aad ku rakibto qalab tamarta yaraynaya ama aad doonayso inaad u guurto guri cusub, waxaanu ku siinaynaa dayn baahidaada buuxinaysa. SIdoo kale hadii aad hawlgab tahay oo aad doonayso inaad dayn qaadato adiga oo dhigaya gurigaaga.