Caymiska

Caymiskeena adiga iyo agabkaaguba difaac wanaagsan ayaad ku heleysaan. Haddaad dooneyso inaad faahfaahin dheeraad ah ka ogaato kharashka kaaga baxaya caymiskeena waxaad la xiriiri kartaa xaafiiskaaga muxalliga ah ama Adeegga Macaamiisha. Adigoo gala appka ama bangiga internetka ayaad iyana wax dheeraad ah ka kororsan kartaa, heshiis caymisna ku saxiixi kartaa.

Caymiska qoyska

Sababta loogu qadaayo qoyska caymis dhammaystiran waa in aad ilaaliso gurigaaga iyo hantidaada. Caymis dhammaystiran ee qoyska sidoo kale waxaa ku jira masuuliyada caymiska, ilaalinta sharciyeed, ilaalintaweerarka iyo waxyeelo gaysashada iy caymiska safarka

Waxaanu bixinaa caymiska qoyska o wata daboolid kharash oo dhammaystiran iyaddoo lahayn ku daritaan badan oo wadata sheegashooyin debecsan oo fudud ee habka dehinta. Malahan lacag dheeri ah oo aad bixinaysid haddii aad dooratid inaad ku bixisid bil ahaan.

Caymiska Gawaarida

Baabuur noocaad doonto ka wado, waxaan kuu haynaa caymis kugu haboon. Waxaan caymis u haynaa gawaarida yaryar, gawaarida waaweyn, RVs, tareelayaasha iyo mootooyinka barafka. Si lamid ah caymiska guryaha, waxaad helaysaa ilaalin dhameystiran iyadoon lagaa qaadin dulsaar dheeraad ah, nidaamka sheegashadana/codsashadana waa mid toosan oo dabacsan.

Caymisyo ilaalineed

Waxaan kuu soo jeedineynaa caymisyo adiga iyo qoyskaagaba la idin kaga ilaalinayo dhibaatooyinka ay keenaan waxyaalo ay ka mid yihiin jirro, curyaannimo, shaqo la’aan ama dhimasho. Swedbank waxaa laga helayaa caymis nolol, caymis bukaan, caymis shil, caymis shaqo la'aan iyo caymis ilmo.

Smiling woman holding coffee cup with older man.

Qiimo dhimista Caymiska

Haddii aad doorato inaad caymis geliso gurigaaga iyo baabuurkaaga, waxaad heli doontaa illaa 15 boqolkiiba oo qiimo dhimis ku ah dhammaan caymiskaaga. Fursadaan ma ahan mid ku-xadidan wakhti, waxayna ansax noqoneysaa marka la saxeexo heshiis sannadle ah.  

Nala soo xiriir

Haddii uu dhaco shil la xiriiro caymiska

Fadlan soo wac:
+46(0)771-23 33 33

Maclumaad dheraad ah oo la xiriiro waxyaabaha aan bixinno

Fadlan la xiriir telefoonkeena bangiga
+ 46 (0)771-22 11 22
ama booqo xafiiskeena faraca maxaliga ah.