Waxa aad hadda dalban kartaa in lagaa daayo/dhaafo haftada/qeyb qeyb  u bixinta deynta

Marka aad macmiil gaar/shakhsi ah tahay, ayaad hadda fursad u leedahay inaad dalbato in lagaa daayo/dhaafo haftada/qeyb qeyb u bixinta deymahaaga haddii xaaladdaada dhaqaale uu saameeyay faafitaanka fayruska Korona. Ka deyntan/dhaafidan waxa ay si ku meelgaadh ah meesha uga saareysaa shuruudaha habka lagu bixinayo deyntaada, waxaana kaliya lagaa sugayaa inaad bixiso ribadda/dulsaarka iyo wixii kharash ah uun.

Isbedelada ku yimid qorsheyaasha safarka?

Miyaad leedahay safar kuu qorsheysan oo mustaqbalka dhow ah, mise waxa aad ka fikireysaa inaad mid xajisato/qabsato? Waxa aanu soo ururinay macluumaad ku saabsan tilmaamaha ku xeeran baajinta haddii aad jirrato/xanuunsato inta aad safarka ku gudo jirto.

Miyaad safraysaa xilliyada uu Korona fayrus jiro? Halkan waxa ku dhigan xogaha

Ma waxa kugu dhacay fayruska Korona oo ma awoodid inaad shaqayso? Halkan waxa ku yaala waxyaabo aad u baahan tahay inaad ka fikirto:

Ma waxa aad ku jirtaa fasaxa jirrada, karantiinka guriga dhexdiisa ama waxaad shaqadaada ku wayday fayruska Korona dartiis? Halkan waxa ku yaal talooyin kaa caawinaaya sida loo maareeyo dhaqaalahaaga shakhsi ahaaneed xilliyada adag/dhibaatooyinka.

Haddii aad ku jirto fasaxa jirrada ama karantiinka guriga dhexdiisa:

  • Xidhiid dhow la yeelo cidda aad u shaqayso oo iska hubi inaad hesho dhammaan macluumaadka la xiriira.
  • Iyada oo xaaladdaada ku xidhan, hubi in aad xaq u leedahay inaad hesho lacagta jirrada ee cidda aad u shaqeysaa bixiso, lacagta jirrada ee laga qaato Försäkringskassan ama gunnada qofka cudurka qaba ee laga helo Försäkringskassan. Sidoo kale eeg sida taas loo dalbanaayo.
  • Swedbank iyo bangiyo kale oo badan ayaa soo saaray in lagaa daayo/dhaafo haftada/qeyb qeyb  u bixinta deynta. Ka deyntan/dhaafidan waxa ay si ku meelgaadh ah meesha uga saareysaa shuruudaha habka lagu bixinayo deyntaada, waxaana kaliya lagaa sugayaa inaad bixiso ribadda/dulsaarka iyo wixii kharash ah. Ka hubi bangigaaga si aad u eegto waxa kuu furan, oo hubi inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu dalbato si aad dhaqaalahaaga shakhsi ahaaneed cadaadiska uga dhinto.

Haddii si ku meel gaadh ah shaqada lagaaga joojiyo

  • Xidhiidh dhow la samee cidda aad u shaqeyso si aad ugu ogaato waxa khuseeya shaqo ka joojinta ku meel gaarka ah.
  • Swedbank iyo bangiyo kale oo badan ayaa soo saaray in lagaa daayo/dhaafo haftada/qeyb qeyb  u bixinta deynta. Ka deyntani/dhaafidan waxa ay si ku meelgaadh ah meesha uga saareysaa shuruudaha habka lagu bixinayo deyntaada, waxaana kaliya lagaa sugayaa inaad bixiso ribadda/dulsaarka iyo wixii kharash ah. Ka hubi bangigaaga si aad u eegto waxa kuu furan, oo hubi inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu dalbato si aad dhaqaalahaaga shakhsi ahaaneed cadaadiska uga dhinto. 

Haddii aad shaqo doon tahay ama ogeysiis lagu siiyay

  • Ogeysii Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen).
  • Xidhiidh dhaw la samee cidda aad u shaqeyso si aad u ogaato haddii ay jiraan fursado kale oo shaqo oo la heli karo.
  • Haddii aadan xubin ka aheyn sanduuqa caymiska shaqo la'aanta (A-kassa), iska hubi inaad iska qorto mid ka mid ah.
  • Swedbank iyo bangiyo kale oo badan ayaa soo saaray in lagaa daayo/dhaafo haftada/qeyb qeyb  u bixinta deynta. Ka deyntani/dhaafidan waxa ay si ku meelgaadh ah meesha uga saareysaa shuruudaha habka lagu bixinayo deyntaada, waxaana kaliya lagaa sugayaa inaad bixiso ribadda/dulsaarka iyo wixii kharash ah. Ka hubi bangigaaga si aad u eegto waxa kuu furan, oo hubi inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu dalbato si aad dhaqaalahaaga shakhsi ahaaneed cadaadiska saaran uga yareyso/dhinto. 

Wixii macluumaad dheeri ah, fadlan booqo:

Bogga Internedka ee dawladda ee ku saabsan fayruska Korona (Iswiidish ah)

Bogga internedka ee Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) wixii su'aalaha la xidhiidha caymiska (Iswiidhish iyo Ingiriis) 

Bogga internedka ee Xafiiska Shaqada loogu talogalay shuruudaha iyo xeerarka khuseeya sanduuqa caymiska shaqo la'aanta (oo ku qoran Iswiidish, Ingriis iyo dhowr luqadood oo kale)

Halkan adiga ayaanu kuu joognaa - 24 saacadood maalintii, 365 maalmood sanadkii!

Waxaanu had iyo jeer kugu soo dhaweynaynaa inaad nala soo xidhiidho. Waqtigan hadda la joogo, waxa aanu kuu soo jeedineynaa inaad hawlahaaga/arimahaaga bangiga ku maareyso adigoo soo maraaya App-ka, baanka internedka ama telefoonka. Markaad na soo wacdid, dooro adeegga shaqsiga si aad u hesho caawimo shaqsi ahaaneed. La taliyayaashayada ayaa kugu caawin kara Iswiidhish iyo Ingiriisi labadaba.

Halkan nagala soo xiriir! (Iswiidish)