Waxa aad hadda dalban kartaa in lagaa daayo/dhaafo haftada/qeyb qeyb u bixbixinta

Waa ay adag tahay in la daboolo kharashaadka taagan marka aanay jirin awooda dhaqaale ee wax/lacag lagu bixiyaa. Waxa aanu sidaas darteed soo bandhignay fursadda lagu codsanaayo in lagaa daayo/dhaafid haftada/qeyb qeyb u bixinta deymaha, koontooyinka haftada/qeyb qeyb u bixinta meelaynta iyo kireysiga oo illaa lix bilood ah. Ka deyntani/dhaafidan waxa ay si ku meelgaadh ah meesha uga saareysaa shuruudaha habka lagu bixinayo, waxaana kaliya lagaa sugayaa inaad bixiso ribadda/dulsaarka iyo wixii kharash ah. Shirkaddaada waxay xaq u leedahay ka dhaafida/deyntan haddii ay carqalad ka timid dakhliga soo galaayey fayruska Korona dartiis.

Dalabka ka buuxi adigoo soo maraaya linkiga hoos ku yaala kadibna waxa aanu kuula soo xidhiidhi doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Maaddaama oo ay jiraan shirkado badan oo nala soo xidhiidhaaya, waxa laga yaabaa inay waqti qaadato ka hor inta aanu kula soo xidhiidhi doono, laakiin waxaan isku dayeynaa inaan sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah jawaabo kuugu siino.

Talooyin ku socda ganacsiyada

Halkan waxa ku yaal talooyin iyo tusaalayaal ku saabsan waxa aad sameyn karto si aad shirkadaada uga caawisid xilligan adag.

Halkan adiga ayaanu kuu joognaa – 24 saacadood maalintii, 365 maalmood sanadkii!

Waxaanu had iyo jeer kugu soo dhaweynaynaa inaad nala soo xidhiidho Waqtigan hadda la joogo, waxa aanu kuu soo jeedineynaa inaad hawlahaaga/arimahaaga bangiga ku maareyso adigoo soo maraaya App-ka, baanka internedka ama telefoonka. Markaad na soo wacdid, dooro adeegga shaqsiga si aad u hesho caawimo shaqsi ahaaneed. La taliyayaashayada ayaa kugu caawin kara Iswiidhish iyo Ingiriisi labadaba.

Halkan nagala soo xiriir!