Kusaabsan Swedbank

Young man in architect office

Swedbank waa bangi casri ah oo taariikhda dheer ku leh taariikhda bangiyada kaydka Swedish-ka. Waxaan xiriir la leenahay qiyaas ahaan 7.3 milyan oo macaamiil gaar ah iyo qiyaas ahaan 547,000 macaamiisha shirkadaha.  

Waxa ay taasi naga dhigaysaa bangiga Sweden ugu macaamiisha badan sidoo hore hormoodka in Estonia, Latvia iyo Lithuania.

Sida bangiga weyn, waxaan qayb muhiim ka nahay nidaamka dhaqaale oo aan ka ciyaarnaa door muhiim ah bulshooyinka maxalliga ah, taas oo firfircoon. waxaa naga go'aan ah horumar maliyadeed oo nuxur leh oona waarta, taas ma aha oo kali ah mid loga tira galay macamisheena balse bulshada guud.

Tariikhdeena oo kooban

Waxaan ka caawiyay macaamiisheena kaydin iyo amaahid looga tira galay mustaqbal wanaagsan muddo ku dhow 200 sano. Dunida way is badashay anaga waan labadalmanay. Si kastaba ha ahaate, baahida maanta loo qabo Bangi mas'uuliyad qaba waxay u balaarantahay mida loo qabay bilawgi qarniga 19aad.
Sanaddada ugu muhiimka badnaay

Ma doonaysa inaad aqriso wax dheeri ee kusaabsan tariikhda Sedbank oo Af Ingriisi ah?
Waxaad eegtaa swedbank.com

Waaritaan

Waxaan hiigsaneynaa inaan noqono baanka ugu horreeya ee sii waara. Waxa muddada dheer sii waara kara ayaa sidoo kale faa'iido u leh macaamiisha, ganacsiga iyo bulshada. Waxaan ka shaqeynaa sidii aan si joogto ah u ballaarin lahayn aqoonta macaamiishayada si ay u awoodaan in ay sameeyaan xulashooyin waara –ganacsiyo gaar ah, shirkado iyo hay'ado.

Ka qaybgelinta bulshada

Waxaan u leenahay dhaqan soo jireen ah inaan dadka ka caawino inay gaaraan xaalad dhaqaale wanaagsan iyo waarta. Iyadoo loo marayo dadaalladayada gaarka ah iyo iskaashatadayada, waxaan dhalinyarada barnaa wax ku saabsan maalgalinta shaqsiyeed iyo abaabulka ganacsi. Mid kale oo ahmiyadayada ayaa ah ku biiritaanka ku wajahan ka qaybqaadashada dijitaalka ee dad badan oo bulshada ka mid ah.

Bey'adda

Waxaan aaminsan nahay in guusha bangigeenu ay ku xiran tahay danayn wanaag bulsho taas oo dhalinaysa tallaabooyin lagula tacaalayo caqabadaha bulshada iyo bey’adda. Taas ayaynu ku dhaqannaa hadday noqoto adeegeena macmiisha, maaraynteena hantida, amaah-bixinteena, horumarinteena waxsoosaarka iyo hawlaheena kale ee muxalliga ah. Waxaa naga go’an inaan fududeyno u gudubka cimilo-wanaag waafaqsan heshiiskii Baariis iyo inaan raacno himilooyinka QM ee horumarka waara.

Xuquuqda bani' aadamka

Xuquuqda bani’aadamka ayaynu ku xushmeynaa dhammaan hawlaheena ganacsi - shaqaalaheena, xiriirradeena ganacsi iyo shirkadaha aan la shaqayno. Waxaynu had iyo jeer qiimeynaa haddii xiriirradeena ganacsi, go’aamadeena iyo istaraatiijiyaddeena ay halis u horseedi karaan xuquuqda bani’aadamka, waxaynu iyana ku dadaalnaa inaan ka hortagno oo aan yareyno saamaynta xun ee hawlaheena ganacsi, waxsoosaarkeena iyo adeegyadeena ay ku yeelan karaan xuquuqda bani’aadamka.

Ka hortagga musuqmaasuqa

Wax kasta oo uu Swedbank sameeyo waa inay ku sifoobaan furfurnaan, kalsooni iyo daacadnimo. Waxaan mowqif firfircoon oo adag ka taagan nahay nooc kasta oo musuqmaasuq ah dhammaan suuqyada aan ka shaqayno, waxaanna si xooggan uga shaqaynaa sidii aan ku ogaan lahayn una sheegi lahayn tuhunno la xiriira lacago la dhaqay iyo maalgelin argagixiso. Bangigu wuxuu sugaa hannaan adag oo lagu ogaado laguna fahmo halista musuqmaasuqa si loo qaado tallaabooyin ka hortag ah.